BAREAKING NEWS: Kenya oo Al-baabada isugu dhufatay Xawaaladaha Soomaalida

Ciidamada amniga ee dowladda Kenya ayaa goor dhawayd waxa ay albaabada isugu laabeen dhamaan xawaaladii Soomaalida ee ku yaalay magaalada Nayroobi ee caasimada Kenya,marka laga reebo shirkada Dahabshiil.

lama oga sababta ay uxireen laamaha amniga ee dalkaasi kenya  xawaaladaha Soomaalida, balse warar aya sheegaya in qaar kamid ah xawaaladaha laga qaatay qalabkii ay ku shaqaynayeen.

Kenya ayaa mudooyinkanba qaadeysay talaabooyin ay ku cadaadineyso dowladda Soomaaliya, waxey hore usoo eriday Safiirka Soomaaliya ee Kenya, waxey 9-kii May joojisay duulimaadyadii sida tooska ah uga bixi jiray Muqdisho ee Nairobi aadi jiray, iyadoo ugu danbeynna haatan joojisay bixinta viisaha dal ku galka ee Garoonka Nairobi lagu siin jiray Wasiirada iyo Xildhibaanada, maadaama dacwad dhanka badda ay kala dhaxeyso Soomaaliya.

 

 

<