War Deg Deg Ah– Maxay tahay sababta ay Kenya u Diiday Wasiir iyo Xildhibaano Soomaali ah iney Galaan Kenya

Wasiir ku xigeen iyi laba Xildhibaan oo Soomaali ah ayaa beri loo masaafiurinayaa Muadisho kadib markii loo diiday Visaha Kenys,Masuuliyiintaan ayaa caawa oo Isniin ah waxay ku xayiran yihiin Garoonka Diyaaradaha Nairobi ee JKIA.

Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha Cusmaan Liibaan , Sanatar Ilyaas Ali Xasan iyo Sanatar Samsam Daahir waxay wateen Pass├Žort Soomaali Dublamaasi ah, Badanaana waxaa Vosaha laga qaataa Airporka,laakiin Dowlada Kenya way u diideen Visaha Masuuliyiintaan.

Wararka Puntlandi.com kahelayaan Dublamaasiyiin ku sugan Nairobi, waxaa hada ku howlan soo deynta Masuuliyiintaan Safaarada Soomaaliya ee Nairobi.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Masuuliyiintaan ay ku jiraan liis ay dhowaan Kenya Sameysay oo ah Dadka muujiya naceybka Kenya.

Puntlandi.com
Nairobi

<