Ethiopia oo xoojinaysa ku dhaqanka nidaamka federalismka iyo xasiloonida dalkeeda

Waxaa  magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya kusoo gabagaboobay Shir aad muhiim u ah oo lagaga hadlayay xaalada wadanka Itoobiya.

Kulankan oo kadhacay Xafiiska Midowga Africa ee magaalada Addis Ababa ayaa lagu casuumay qaybaha kala duwan ee bulshadu ay kakooban tahay sida Aqoonyahanka, Culimada Diimaha, Ururada bulshada, Ururada mucaaradka ah iyo xisbiga talada haya.

Shirkan oo ay fadhiyeen Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada ayaa lagu Marti qaaday madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO), kuwaas oo door muhiim ah kulahaa shirka.

Shirka maanta oo ahaa mid muhiim ah ayaa lagaga dooday qodobo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen
1 Nabada iyo xasiloonida wadanka.
2 Nidaamka Fadaraalka iyo sidii looga midho dhalin lahaa.
3 Isbadala jira iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa.
4 Dhismaha doorka bulshada ee wadanka.

Siyaasiyiin iyo dad aqoon leh ayaa aad uga hadlay Arimaha Fadaraalka iyo sida loogu baahan yahay, iyo in uusan jirin si kale oo lagu wada socon karo waxaana hoosta laga xariiqay in habka Fadaraalku uu yahay mid ubaahan sii xoojin iyo kamidho dhalin.

Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee kulanka fadhiday oo kala ahaa Xoghayaha Guud ee JWXO Mudane Cabdiraxaan Sh Mahdi (Maaday) iyo Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka heer Faderal ee JWXO Mudane Xassan Muxumed Ow-macalim, iyo waliba Afhayeenka JWXO Halgame Cadaani Hirmooge ayaa si mug leh uga qayb qaatay doodihii iyo fanqayntii qodobadaas 4ta ah lagu samaynayay waxaana siwayn dooda madaxda JWXO ula dhacay kasoo qayb galayaashii shirka.

Gabagabadii madaxdii kulanka kasoo qayb gashay ayaa isku raacay habka lagu gaadhi karo higsi lagu midaysan yahay inta laga gaadhayo xiliga ay qoomiyadii doonta gaar utashan karto.

<