Quraanjecel,” Maxay tahay ujeedada uu ka leeyahay Goodax Barre inuu yiraahdo imtixaankii Puntland wuu fashilmay?

Afhayeenkii Hore ee Puntland Quraan Jecel oo Ka Hadlay Hadalka Goodax Barre, waxaana uu yiri:

“Hadalka Wasiir Goodax Barre ee ah Imtixaankii Puntland waa fashilmay maaha hadal sahlan ama in loo qaato hadal la iska yiri, waa hadal saameyn weyn ku sameyn-doona dhamaan Ardayda Puntland Shahaadadooda, waxaana laga yaabaa in la yiraahdo lama oqonsana Imtixaanka Puntland maadaama uu Wasiirkii Waxbarashada Dawladda Faderaalka uu yiri wuu fashilmay, Haddaba waxaan ku talin lahaa in dag dag Wasaaradda Waxbarashada Puntland arintaas Sharaxaad ka bixiso una sheegto nooca Imtixaanka iyo sida loo qaaday iyo Hadalka Goodax Barre waxa uu dhab ahaan ku salaysan yahay mid caadifadeed iyo xaqiiq ah, waa in ay u kala cadayso macnaha hadalkaas”

<