Madaxweynaha dowladda Puntland oo ku wajahan Gaalkacyo

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Candulaahi Deni ayaa socdaalkii ugu horeeyay ku tagaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug tan iyo markii la doortay.

Mada weynaha iyo wafdo uu hogaaminayo oo saakay ka ambo baxay magaalada Garowe, ayaa ku hakaday magaalada Burtinle halkaasi oo uu xariga uga jaray mashaariic horumarineed oo lagu dhisay isku tashi dadweyne.

Qaban qaabada soo dhowaynta madaxweynaha aya laga dareemayaa Gaalkacyo, isagoo la filayo in madaxweynuhu halkaas ku sugnaado muddo dhowr maalmood sidoo kalena xariga ka jaridoono mashaariico horumarineed.

Puntlandi

Gaalkacyo

<