Saraakiil Daacish iyo Shabaab ka trisan oo lagu dilay duqayn ka dhacday degmada Ufayn ee gobolka Bari

Wararka uu warsidaha Puntlandi.com uu ka helayo degmada Iskushuban ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday Argagixisada Daacish.

Duqaynta ayaa ka dhacday deegaanka Miriqle oo qiyaastii 45kmte dhanka bari uga beegan degmada Isku shuban iyo deegaanka Camaara,sida ay dadka deegaanka usheegeen warsidaha Puntlandi.com.

Duqaynta ayaa dhacday habeenimadii, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Saraakiil katirsan hay’adaha ammaanka ayaa ku waramaya in lagu dilay hogaamiyeyaal katirsan Al-shabaab iyo Daacish, walow aan si dhab ah wali loo xaqiijin.

Mareykanka ayaa horay  duqayn diyaaradeed  waxa uu ugu dilay hogaamiye kuixgeenkii kooxda Daacish ee Puntland Cabdixakiin Dhuqub.
Diiwaanka warka.
Puntlandi.com Bosaaso.

<