Safiirka Soomaaliya ee dalka Ingiriiska oo ka hadlay waxa uu salka ku hayo khilaafka madaxda Soomaaliya

Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender OBE, ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada, kaasoo keenay in shir la isugu tago magaalada Garowe.

Waxaa uu sheegay in khilaafka u dhaxeeya madaxda Soomaalida ay salka ku heyso arrimo ka mid ah Dib u eegista dastuurka, Sharciga Doorashada iyo sida loo qeybsanayo Awoodda iyo Kheyraadka, wuxuuna talo ahaan u soo jeediyay inay so deg deg u heshiiyaan madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

“Waxaan si weyn u rajeynaa inuu jiro iskaashi dhex mara dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, inta ay jirto Xiisad la xiriirta dib u eegista Dastuurka, Sharciga doorashooyinka iyo sida loo qeybsanayo Awoodda iyo Kheyraadka, xaalku ma wanaagsanaanayo, waxaan aamin sanahay inay wacan tahay inay heshiiyaan” ayuu yiri Ben Fender oo wareysi siiyay laanta Af Soomalaga ee BBC-da.

<