Puntland oo qaadacday guddi ka shaqeeya arrimaha Xajka oo villa Soomaaliya ay soo magacawday.

Wasiirka Caddaalada iyo arrimaha Diinta Puntland, Cawil Sheekh Xaamud Maxamed, ayaa ka hor yimid guddi kala saara shirkadaha Xujeyda sanadkan qaadaya, Guddigaas oo uu soo saaray Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xasan.

Wasiir Cawil oo galabta Shir Jaraa’id u qabtay suxufiyiinta waxa uu sababta ay u qaadaceen guddiga ku micneeyay la tashi la’aan, isagoo si toos ah Wasaarada uga dalbaday in maamulkooda ay ugu soo wareejiso qoondada ay guddigaas ku lahaayeen, si arrimohooda ay si gaar ah u maamushtaan.

“Xaq baanu u leenahay in nagula soo wareejiyo, si aan u ogaano tirada xujeyda Puntland ee halkaan ka baxi doonta, Wasiirka Diinta Federaalka waanu wadahadalnay, waxaana ka sugeynaa in uu nagu soo wareejiyo, hadii ay jiraan awood ka sareysana u cadeeyo shacabka Puntland,” ayuu yiri Wasiir Cawil Sheekh.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa safka hore uga jirta liiska wadamada ugu qaalisan marka ay timaado adeegyadda Xajka, kaasi oo la sheego in ay ku baxdo halkii qof in ka badan 5,000 (Shan kun oo dollar­ka Mareykanka ah).

Halkan Hoose ka Aqriso magacyada Guddiga uu Wasiirka Diin Soomaaliya soo magacaabay ee Puntland diidmada kala hortimid:

C/Xakiin Xasan Ibraahim Ashkir Wasiiru dowlahha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.

Sheekh Cali Maxamuud Xasan Wajiis (Cali Wajiis) Culumo

Sheekh C/qaadir Maxamed Soomoow-Culumo

Sheekh Cumar Maxamuud Wardheere-Culumo

Sheekh Cabdi Qani Qorane Maxamed-Culumo

Maxamed Cabdi Xaliim Sheekhoow-Bulshada Rayidka

Xamdi C/raxmaan Ismaaciil-Bulshada Rayidka

<