Degmada Baran haraad baa loo dhumanayaa Madaxdii Soomaaliduna Garowe bay dhaylo ku afurayaan

Abaarihii ugu daraa ayaa ka jira qaybo ka mid ah Puntland gaar ahaan Degmada Baran ee Gobolka Gardafuu, qaylo dhaan biyo la’aan ayaa kasoo yeertay Deegaanadaas hada, xili Madaxweynaha Puntland uu Afur iyo saxuur u sameynayo dhigyadiisa Soomaaliya.

Wax u qabasho iyo Abaabul gurmad iska daaye wali cidi kana hadlin Abaaraha ka jira Bariga Puntland, kuwasoo hada qarka u saaran in Bini’aadamkii uu haraad u geeriyoodaan.

Caruur yaryar oo kor u dhaafaya 100 ayaa khatar u ah iney Macaluul u geeriyoodaan.

Sida hada ka muuuqata Masuuliyiinta Puntland waxay sugayaan in lasoo sheego geerida caruurtaas, iyadoo xitaa haday Caruuurtaan ay ka badbaadaan Abaarta ay khatar caafimaad xumo ku reebi karto Mustaqbalkooda.

Waa wax laga xunaado in aan loo gurman danyarta Puntland markey baahidu heyso oo ay u baahan yihiin gurmadka,

Xukuumadu ilaa hada Qorshe uma aysan sameyn Gurmadka Abaaraha, inkastoo hada Roobabku ay ka bilowdeen Deegaanada Soomaaliya qaar hadana Gobolka Sanaag iyo Gardafuu wali roobku ma gaarsiisna.

Degmada Baran iyo nawaaxigeedu waxay u baahan yihiin gurmad dag dag ah oo hadaan laga gaarin ay khatar kasoo socoto d, Dadkuna waxay wajahayaan Biya laaan.

Qurba joigta Puntland iyagana Baaqaan wuu ku socdaa ø.

Dhowr jeer oo hore ayaa laga digay Abaaraha,kusoo foodleh Puntland laakiin cidna masuul iskama saarin.

Puntlandi.com
Bosaso@puntlandi.com

<