(DHEGAYSO) Waxgaradka gobolka Nugaal oo isku raacay in shareecada Islaamka lagu qaado qofkii wax kufsada

Waxgaradka gobolka Nugaal ayaa n shir ay ku yeesheen magaalada Garowe ee caasimadda Puntland waxay  isku raacay in shareecada Islaamka lagu qaado qofkii wax kufsada islamarkaana dowladda lagu taageero sidii go’aan cad looga qaadan lahaa arrimaha kufsiyada soo noqnoqday.

Waxgaradku waxay go’aamiyeen in odeygii wiilkiisu kufsi geysto in shareecada lasoo taago, iyadoo looga dambaynayo dowladda Puntland iyo hay’addaheeda garsoorka.

Wasiirka haweenka Puntland Aamino Cismaan Xaaji, ayaa sheegtay dowladda inaysan udulqaadandoonin ficilada foosha xun ee gabdhaha loo geysanayo.

Halkaan ka dhegayso codka odyaasha iyo wasiirka haweenka  

 

<