Wasaaradda cadaalada Puntland oo isugu yeertay imaamyada masaajida Garowe, go’aan la xiriira arrimaha Soonka

Garowe (Puntlandi) Wasiirka cadaalada iyo arrimaha Diinta ee dowladda Puntland, Cawil Sheikh Xaamid, ayaa maanta isugu  yeernay imaamyada Masaajidada kuyaala Garowe, si uu ugu wargeliyo in laga wada shaqeeyo sidii halmarna loo soomi lahaaa halmaran loo afuri lahaa.

Wasiirka ayaa  Imaamyada u sheegay inay lagama maarmaan tahay in wixii khilaaf ah ama koox ku salaysan dhinac layska dhigo Diintana waxay qabto lagu dhaqmo. Waxaa kaloo  laga wada hadlay sidiii aadaanka salaadaha loo mideyn lahaa gaar ahaan aadaanka waqtiga afurka ee qolana markay doonto aysan adimin iyo sidoo loo kala saari lahaa aadaanka suxurta iyo aadaanka salada.

Cawil Xaamid ayaa sheegay inay dhammaan isku afgarteen isaga Imaamyada waxyaabihii laga wada hadlay.

Is afgaradkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo berito ama saadambe la filayo inay bilato bisha barakaysan ee Ramadaan, taasoo sanad walba uu khilaafka yimaado aragtideeda.

Puntlandi.com

 

<