DEG DEG:- Shirka wadatashiga dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah oo ka furmay Garowe

Shirka Wada-tashiga Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladdaha Xubanaha ka ah DFS ayaa hadda ka Furay qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Shirka waxaa Furay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qayb ka ahaa, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Shirkani oo ay Martigelisey Dowladda Puntland ayaa gundhigiisu yahay wadatashiga Dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS.

 

<