(Dhegayso) Waraysi: Gobolka Sanaag kufsiga oo caado ka noqday

Gobolka Sanaag degaano hoos yimaada degmada Badhan waxaa ka dhacay ilaa iyo 6 kiis oo kufsi ah oo lagula kacay gabdho aad u da,yar.

Majirto ilaa iyo hada cid loo soo qabtay kiisaskaasi kufsiga ah ee soo gaaray dhibanayaasha.

Kufsigii udambeeyay waxa uu ka dhacay deegaanka Shimis oo 6kmtr ujirta degmada Baran ee gobolka Sanaag 2-dii bishan, waxaana koox hubaysan ay ku kufsadeen halkaasi islaan iyo gabar 7sano jir ah.

Faadumo Jaamac Jibriil oo ah  madaxa Hay,ada Adeeso una dhaq dhaqaaqda arimaha deegaanka ayaa Puntlandi.com uga warantay kiisaskii kufsiga ahaa ee ka dhacay gobolka Sanaag.

<