DEG-DEG: Madaxweyne Farmaajo oo hadda kasoo dagay Garowe

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goordhaweydsoo gaaray caasimada Puntland ee Garowe, halkaasi oo si diiran loogu dhaweeyey.

Madaxweyne Farmaajo oo wafdi balaaran hogaaminayey ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyay madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo golayaasha kala duwan ee dowladda Puntland.

Ugu dambayn maalinta berito ayaa la filayaa in uu furmo shirka wadatashiga dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah oo ay dowladda Puntland marti galisay.

Puntlandi.com

 

<