DEG-DEG: Dhegayso: Maxkamadaynta Kiiska Caa’isha Ilyaas oo dib loo dhigay

Maxkamadda Darajada kowaad ee magaalada Garoowe ayaa saaka dib u dhigtay dhegaysiga dacwadda eedaysanayaasha loo haysto kiiska Caaisha Ilyaas Aadan

Sabtida dambe ayaa maxkamaddu ku dhawaaqday in mar kale la dhegaysan doono dacwadda loo haysto eedaysanayaashaasi.

Aabaha dhalay Marxuumad Caasha ilyaas ayaanan ogolaan inuu warbaahinta la hadlo kadib markii saxaafadu kusoo ururtay markii uu kasoo baxay goobtii Kiiska lagu qaadayey.

Xeer Ilaalintu waxay sheegtay in 3 kamid ah 10-ka eedaysane uu ku cad yahay kiisku Inta kalana ugu danbayn Sabtida Danbe la Xaqiijin Doono

Bulshada Puntland iyo Saxaafada ayaan saaka midna Laga Celin Goobta Kiiska Lagu Qaadayey.

Halkaan ka dhegayso xeer ilaaliye ku xigeenka ee Puntland oo kiiska faahfaahinaya

<