Ciidamada Liyou-Police ee DDS oo loo daad gureeyay dhul xuduudeedka Kililka Cafarta

Ciidamada Liyou-Police ee DDS ayaa loo daad gureynayaa dhul xuduudeedka degaankaas uu la wadaago Kililka Cafarta, si ay u difaacaan shacabka iyo deegaanka Soomaalida ee ay ku soo duushay qowmiyadda Cafarta, waxaana halkaas is arag daran uu ku dhex mari karaa labada ciidan deegaan ama Liyou-ploce ee ay labada deegaan leeyihiin.

Go’aankan ayaana imanaya markii ay golaha fulinta deegaanka Soomaalida qaateen in la difaaco Seddex tuulo oo ay weerar ba’an ku hayso Cafarta kuwaasoo ay ku noolyihiin dad Soomaaliyeed.

Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa shalay buriyay ama laalay heshiis maamulkii ka horreeyay ee madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu la galay maamulka gobolka Canfarta ee dalkaasi.

Heshiiskaasi oo xilligaasi ay taageeraysay dowladda dhexe ee dalka Itoobiya ayaa deegaanada Cadhuufo, Caddeeyto iyo Garbo-Ciise oo ka tirsanaan jiray dhulka Soomaalida Itoobiya waxaa lagu hoos geeyay maamulka Canfarta balse tan iyo xilligaasi waxaa dhacayay rabshado u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.

 

<