BREAKNG:NEWS: Madaxweyne Farmaajo oo hada ka soo dagay Garoowe

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo  iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa goor dhawayd ka soo dagay garoonka diyaaraha ee magaalada Garoowe.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni iyo xubno madaxda mamaul goboleedyada iyo kuwa dowladda dhexe.

Farmaajo ayaa ka qayb galaya shirkii wadatashiga ahaa ee uu madaxweyne Deni iclaamiyay in laysugu yimaado si looga hadlo xaalada dalka iyo waxa laysku hayo.

Maalinta beri ah ayaa lafilayaa in uu furmo shirka wadatashiga ah ee udhexeeya dowladda Soomaaliya  iyo dowladdaha xubnaha ka ah dowladda dhexe ee dalka.

Shalay waxaa magaalada Garoowe lagu soo dhaweeyay Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hogaaminayay.

 

<