DEG-DEG: Madaxweynaha Koonfur galbeed oo soo gaaray Garowe iyo wafuud culus oo kusoo wajahan Garowe

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Koonfur- Galbeed Soomaaliya,  Cabdicasiis Lagta gareen iyo wafti uu hogaaminayo ayaa kasoo dagay magaalada Garowe ee caasimadda  Puntland, waxaana Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxwaynaha dowladda Puntland iyo ku xigeenkiisa .

Waxaa haatan garoonka lagu sugayaa madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo Raysal Wasaare oo la filayo inay maanta soo wada gaaraan Garowe.

Lkn, Madaxweyne Farmaajo ayaa isaga la filayaa inuu berito yimaada.

Masuuliyiintaan ayaa ka qeybgalidoona shirka wadatashiga arrimaha siyaasada iyo amniga ee uu madaxweye Deni gogoshasiisa fidiyay maalinta sabtida ahayd ee todobaadkaan.

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi

 

 

 

<