Breaking News—Maamul Goboleedyada “Gudi Doorasho oo cusub waa in la magacaabaa”

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegay in Gudiga Doorashooyinka Soomaaliya ay shaqadooda waayi doonaan oo lakala dirayo waa hadii ay socoto qorshe cusub oo ay caawa isku raaceen Maamul Goboleedyada qaarkood.

Maamul Goboleedyada ayaa qodobodooda ugu muhiimsan ee Shirka Garowe waxaa ka mid ah qodobkaan oo Maamulada miisaanka culus ay ku tilmaameen inuu yahay lagama maarmaan.

Sida aan xog hoose ku heyno Maamul Goboæeedyada Jubbaland,Puntland iyo Galmudug ayaa Gudiga Doorashooyinka Soomaaliya waxay ku tilmaameen kuwlo aan kasoo bixi karin Shaqada hortaal sidaas awgeed si loogu guulaysto in Doorashooyin Xora ay ka dhacaan wadanka waa in Gudigaan gabi ahaan lakala draa.

Maamul Goboleedyadu waxay dhinaca kalrna doonayaan in Xukuumada gabi ahaanoyana.lakala diro, si loo sameeyo Xukuumad qorsheheeda Shaqo uu ku salaysan yahay ama hiigsigeeda kpwaad uu yahay in ay Dalka gaarsiiyaan Doorashada qorshaysan 2020-ka.

Puntlandi.com
Garowe

<