(VIDEO) Madaxweyne Deni oo sheegay in maalinta Sabtida ah la xukumi doono ragii loo haystay Kufsigii iyo dilkii loo gaystay Caasho Ilyaas

Madaxwaynaha dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa guul iyo horumar ku tilmaamay inay hooyooyinka ay qarin tacadiyada kufsiga ee soo badanaya, islamar ahaanataana ay u raadiyaan sidii caddaalad loogu samayn lahaa.

Madaxwaynaha ayaa waxaa uu sheegay in kiiska dilka iyo kufsiga Caasho Ilyaas ee dareenka bulshada qabsatay uu ahaa mid si gaar ah u xanuun badnaa, uu watay dil, waxaana uu xusay maalinta Sabtida inay caddaalad ay heli doonaan ehelkeeda.

Hadalkan ayuu madaxweyne Deni waxa uu ka sheegay  xiritaankii Shirweynaha Haweenka ee Puntland.

Daawo.

Shirka Haweenka.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta soo xidhay shirka Haweenka Puntland oo muddo afar bari ah ka socdey magaalada Garoowe.

Slået op af Puntland State House i Torsdag den 2. maj 2019

<