Breaking News– Maamul Goboleedyada oo qorshaynaya mooshin ka dhan ah Raysal wasaare Kheyre

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com usoo gacan galay ayaa sheegaya in Maamul Goboleedyadu ay qorshaynayaan Mooshin ka dhan ah Raysal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Mooshinkaan ayaa taariikhda dib inoo jaleecinaya, Bishii Juun sanadkii 2011 waxaa Kampala Dalka Ugandha lagasoo saaray Kampala Accord , waxaa Kampala Accord Shaqada looga eryay Madaxweynaha Hada xilka haya Mudane Cabdullaahi Maxamed Farmaaajo oo xiligaas ahaa Raysal Wasaare, xiligaasoo buuq siyaasadeed ka dhex aloosnaa Mamul Goboleedyada, Baarlamaanka iyo Villa Soomaaliya.

Sida Puntlandi.com wararka hada ku helayo Maamul Goboleedyadu waxay Mooshinkooda (Garowe Accord) ay sal uga dhigeen in Xukuumadu ay ka habsaantay Shaqadii loo igmaday aysana hada ku taagneyn wado saxa, waxay kaloo Raysal wasaaraha ay ku eedeynayaan inuusan awoodin inuu Soomaaliya gaarsiiyo Doorasho loo dhan yahay 2020-ka.

Maamul Goboleedyadu waxay doonayaan Xukuumad cusub oo ku shaqaysa Qorshe jeexan (Roadmap) labada sano ee soo socda.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Qorshahaan loo gudbiyey Beesha Caalamka , isla markaasna ay Beesha Caalamku aqbaleen Maalgalinta Roadmap-ka cusub.

Puntlandi.com
Garowe

<