Breaking News–Warsaxaafadeed, Puntland oo ka hortimid xeerer ay ansixiyeen maanta Golaha Wasiirada FD, kuna tilmaamey qas cusub

Warsaxaafadeed ay soo saartay Dowlada Puntland ayay uga hortimid Xeerar ay maanta ansixiyeen Golaha Wasiirada Federaalku, xeerarka waxaa kamid ah Xeerka Doorashooyinka, taasoo ay Dowlada Puntland ay si adag uga hortimid Xeerkaan.

Puntland waxay warsaxaafadeedka ku sheegeen in habdhaqankaannuu yahay mid qas hor leh lagu abuurayo, Xeerarka Doorashada oo aan Puntland lagala tashan aasaaskiisii waa Sharci daro si cad uga hor imaanaysa Dastuurka Dalka, ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Armintaan ayaa ku soo beegmaysa Hadal uu Madaxweynaha Puntland sheegay maalmo ka hor hadalkasoo ahaa in Xukuumada Federaalku ay ka gaabisay arimihii Doorashada sidaas awgeed ay ku fashilantay shaqadii loo igmaday, Ansixint qodobkaan ayaa u muuqda mid ay xukuumadu boorka isaga jafayso balse waxaa meesha ka maqan oo xukuumadu ay hilamaantay in Soo diyaarinta Xeerka Doorashada ay qayb ku leeyihiin Maamul Goboleedyadu, Xukuumada dhexena aysan awood u lahayn iney kaligood Diyaariyaan.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka

<