Abaabulkii u dambeeyey ee Shirka Garowe oo socda

Magaalada Garowe waxaa ka socda Abaabulkii u dambeeyey Gogosha uu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani uu u dhigay Hogaamiyayaasha Soomaaliya.

Waxaa la diyaariyey guud ahaan goobihii ay degi lahaayeen kasoo qayb galayaasha Shirka, iyadoo waliba guud ahaan Amaanka Garowe la adkeeyey.

Masuuliyiinta ugu horeysa waxay soo degayaan Jamcada waxaana ugu soo hormari doona Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Kheyre labaduba way kasoobqayb galayaan Shirka.

Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed iyana way imanayaan Garowe.

Masuuliyiinta qaar ayaavwaxay imanayaan Sabtida subixii, Shirkuna wuxuuvsi rasmi ah u bilaabanayaa galabta Sabtida.

Axada waxaa Garowe imanayaa masuuliyiin ka socda Beesha Caalamka oo indha indheynaya sida wax u socdaan.

Madaxweynaha Gogasha dhigay Mudane Dani ayaa Shirka furaya, sida aan xogta ku heyno.

Qodobada ugu muhiimsan ee laga wada hadli doono xalna loo raadinayo waxaa kamid ah

  • Doorashada 2020-ka
    Dastuurka
    Federaalka
    Deeqaha Caalamku siiyo Soomaalida
    Iyo Amaanka

Inkastoo Madaxda Soomaalida ee Garowe isugu tagayaa ay ku kala aragti duwan yihiin qodobadaan hadana ujeedka shirkaan waa in lawada meel dhigo qorshe muuqda oo lagu gaaro Doorasho loo dhan yahay.

Puntlandi.com

Garowe

<