Farmaajo iyo Kheyre oo maalinta beri ah ku soo wajahan magaalada Garoowe

iyadoo sabtidii aynu soo dhaafnay madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdilaahi Deni uu ku dhawaaqay shir wada tashi ah in ay isgu yimaadaan madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda dowladda Soomaaliya ayaa waxaa shirkaasi aqbalay oo ku soo wajahan magaalada Garoowe maalinta beri ah madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre .

Wafdi hor udhac ah ayaa soo gaaray maanta magaalada Garoowe, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay  mas,uuliyiin katirsan labada gole ee dowladda Puntland.

Wafdigan horudhac ah ayaa waxa ay  isugu jiraan Wasiiro iyo howlwadeeno ka tirsan Xafiisyada Madaxda dowladda Soomaaliya.

Halkan ka dhegayso madaxweyne Deni.

<