(Sawirro) Wasiirka maaliyada Puntland oo garoowe dib ugu laabtay kadib safaro uu kumarayay gobolada Puntland

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland iyo waftiga uu hoggaaminaayay ayaa soo gaaray Caasimada Puntland ee Garoowe.

Xasan Shire Cabdi ayaa intii uu safarkan ku guda jiray waxa uu kulan laqaatay Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee Degmada Dangoroyo oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Degmada Dangoroyo ayaa Wasiirka uga xog waramay habka ay u wadaan ololaha Cashuuraha Gaadiidka waxna ay sheegeen gaadiid aan Cashuurnayn in ay san siidayn.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee Degmada Dangoroyo ku wacyigaliyay adkaynta hantada dadwaynaha iyo gudashada waajibaadka shaqo ee loo xil saaray.

Safar modo bil ah qaatay ayaa Wasiirka Maaliyaddu ku tagay Gobolada Barri iyo karkaar kana soo qabtay sixida shaqada iyo ogaanshaha shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, ugu dambayntiina dib ugu soo laabtay Caasimada Puntland ee Garoowe.

Sawirro.

<