Madaxwayne Farmaajo oo aqbalay shirka wadatashiga Garowe iyo wafdi horudhac u ah safarkiisa oo Garowe maanta imaanaya

Madaxweyne Farmaajo iyo Raysla Wasaare Kheyre ayaa aqbalay casuumada shirkii wadatashiga ahaa ee uu gogashiisa fidiyay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, si xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee xilligaan ka dhex taagan dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha.

Wafi horudhac ah madaxeyne Farmaajo oo u badan saraakiil iyo la taliyayaal ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Garowe, waxaana la filayaa in madaxweynuhu labada bisha shanaad yimaado Garowe.

Waxaa kale oo wararka Puntlandi helayo ay sheegayaan in ay macquul tahay in madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu hal ,ar wada yimaadaan labada bisha May.

Laakiin, waxaa kasoo horumaridoona madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo la filayo inay berito yimaadaan magaalada Garowe.

Madaxtooyada Puntland ayaa wada qaban qaabo xoogan oo lagusoo dhoweynayo wafdiyada imaanaya.

<