Xubnaha aqalka sare ee ku sugan Garowe oo wasaaradda waxbarashada Puntland kormeer ku sameeyay

Guddiga arrimaha Bulshada aqalka sare ee Barlamaanka Jamhuuriyadada Federalka soomaliya ayaa maalimtii labaad ku sugan Wasaaradda Waxbaarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland.

Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii 2aad kulan la qaatay Shaqalaha Wasaaradda Wasaaradda Waxbarashada oo ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Abdulahi Mohamed Xasan , iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dowlada Puntland Mohamed Cali Faarah farmayeeri ayaa maalintii labaad waxay ka wada hadlayaan arimaha Waxbarashada Puntland.

Sanatarro laga soo doortay Puntland oo saacado badan fadhiyey ayaa warbixino ka dhagaystay Waaxaha kala duwan sida Waaxda Imtixaamadka, Waaxda qorshaynta siyaasadaha, Iyo Waaxda Tayenta tayo dhowrka iyo kormeerka iyo Waaxda Waxbarashada Dadka waawayn.

Sanataradda aqalka sare ee Dowlada Federalka ah ayaa aad ula yaabay macluumadka ay xambaarsan tahay Wasaaradda Waxbarashada ee Dowlada Puntland iyo nidaamka Waxbarasho oo ka jira Puntland.

Sanataradda Aqalka sare oo hogaaminayo Madax waynihii hore Puntland C/rixmaan Faroole iyo Prof: Joorile iyo gudiga kale ayaa ah xaqiiqa raadin ka ah khilaafka soo dhexgalay lababada Wasaaraddood ee Puntland iyo Dowlada Federalka ah.

<