Faah Faahin : Saraakiil ka tirsan kooxda Daacish oo lagu dilay duqeyn ka dhacday degmada Iskushuban ee gobolka Bari

Waxa ay faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxaysaa duqeyn diyaardadeed oo ka dhacday deegaano hoos taga degmada Iskushuban ee gobolka Bari.

Duqaybta ayaa waxaa lala beegsaday xubno katirsan Argagixisada Daacish oo ku dhuumaalaysanayay deegaanka, kuwaas oo ku sugnaa Ceel -biyaha laga cabo oo ku yaalay deegaanka ay duqeyntu ka dhacday.

dowladda Puntland ilaa iyo haatan kama aysan hadlin duqeyntan ,balse dowladda mareykanka ayaa sheegtay in weerarkan ay qaadeen lagu dilay xubno sar sare oo katirsan Daacish.

Waa duqeyntii labaad oo mudo bil gudaheeda ah laga fuliyo gobolka bari, waxaan lagu dilay duqayntii hore sarkaal sare oo ka tirsanaan kooxda Daacish kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Dhqubeed.

<