Exclusive News– Beesha Caalamka oo balan qaadey iney gabigoodba ay Maamul Goboleedyada si toosa ula shaqayn doonaan

Warbixintaan hoose waxay Howlwdeenada Puntlandi.com idinka soo ururiyeen warar aan kasoo xigany dhowr Dublamaasi oo u dhuun daloola Safarkii Madaxweyne Dani,Xaaf iyo Axmed Madoobe ee Nairobi.

Warbaahinta Puntlandi.com ayaa wax ka ogaatay waxyaabaha kasoo baxay Safaradii ay Mdaxweynayaasha Puntalnd, Jubbaland iyo Galmudug ay ku tageen Nairobi.

Masuuliyiinta ayaa si gooni gooni ah waxay ula shireen Wadamada daneeya Arimaha Soomaaliya oo ay u horeeyaan Midowga Yurub iyo Maraykanka.

Wafdiga Maamul Goboleedyada oo uu horkacayay Mdaxweynaha Dowlda Puntland waxay ugu horeyn uga mahad celiyeen Wadamda ay la kulmeen taakulaynta ay Soomaaliya la garab taagan yihiin.

Waxay kadib kala hadleen xaalada guud ee Soomaliya iyagoo muujiyey ineysan ka socon oo qura Deegaanada ay ka yimaadeen lakiin ay u hadlayaan Guud ahaan Deegaanada Soomaaliya, maadaaba dadka iyo deegaanduba ay la baahi yihiin kuway iyagu ka yimaadeen.

Madaxweynaha Puntland Saciid Candullaahi Dani oo la kulmay guud ahaan Wadamada Daneeya Soomliya ee safiiradu u joogaan Nairobi ayaa wuxuu si kooban ugu gudbiyey warbixin ku saabsan xaalada Siyaasadeed ee Dalku maanta marayo iyo Kaalmada ay wadamdaan Soomaliya ku taageeraa meesha ay marto.

Maamul goboleedyadu waxay gudbiyeen in Xukuumad Federaalku ay ka baxdey heshiisydii lawada gaaray markii Dalk laga saarayay Kumeel gaarka, waxayna Xukuumadu ay si qaldan u isticmaashay awoodii Dowladnimo ee la siiyey ayadoo hareer maraysa nidaamka Federaalka ee Dalku ku dhisan yahay, Maamul Goboleedyadu waxay Beesha Caalamka horteeda ka cadeeyeen in Xukuumdu ay ku tagri fashay si qaldan oo ula kac ahna ay u hareer mareen Dastuurka Dalka.

Dhaqaalaha lagu taageero Soomaaliy ayay isna kala hadleen, qodobkaasoo ahaa jandahooda ugu weyn.

Beesha caalamku waxay Maamul Goboleedyada u balan qaadeen in ay wax weyn ka badlyaan qaabka ay ula macaamilaan soomaaliya maanta iyagoo tix galinaya Codsiga uga yimid maamul Gobo├Žeedyada waxayna carabka ku dhufteen iney qaadayaan wadada ay Meraykanku qaadeen ee ahayd iney si toos ah ula macaamilayaan Mamul Goboleedyada.

Puntlandi.com
Nairobi

<