(Dhegayso)+Sawirro) Bosaaso oo laga dhagax-dhigay xaafada cusub oo loo bixiyay Xafada Cagaaran

Magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga dowladda Puntand dhankeeda galbeed waxaa laga dhagax -dhigay maanta  Xaafadda cusub oo loogu magac daray xaafada cagaaran ama (Green Village).

Mashruucan lagu dhagax-dhigay  xaafadaan cusub ayaa waxaa iska kaa shaday qurbajoogta Soomaaliyeed oo maalkooda ku bixinaya horumarinta dalkooda, iyadoona qorshuhu uu yahay in xaafadan laga hir galiyo ilaa  iyo laba kun  iyo shan boqol oo guri oo ay ku jiraan goobo dan guud ah oo ay dowladdu ugu adeegi doonto bulshada.

Xafladii lagu dhagax -dhigayay xaafadan cusub ayaa waxaa ka soo qayb-galay xubno katirsan golaha xukuumadda Puntlan , maamulka Gobalka Bari,kan degmada Boosaaso , isimo , siyaasiyiin xilal kala duwan  ka soo qabtay Soomaaliya.

Dhamaan dadkii ka soo qayb galay munaasibada dhegax-dhiga ayaa aad u bogaadiyay hanaankan cusub ee lgau dhisao xaafadan.

Faysal Cabdi Rooble oo ka socday magaalada Los Angeles ahna maareeyaha magaaladaasi ayaa sheegan in xaafadan laga dhigi doono magaalo huwan ah oo ka kooban guryo dabaqo ah, goobo ganacsi, goobo lagu dalxiiso iyo waddooyin casri ah.

waxa uu sheegay in mashruucan sidookale uu waxbadan ka tari doono deegaanka oo yeelan doona ilaa iyo saddax waji oo kale.

Faysal Cabdi ayaa sheegay in xaafadan ay noqon doonto mid dhismaheeda ay uga daydaan xaafadaha kale ee magaada Bosaaso oo qaabka ay udhisan yihiin ah ku aan nidaam sanayn.

Cabdi Naasir Siciid Cali Kawir oo ah Injireena gacanta ku haya dhismaha xaafadan cusub ayaa sheegay in dhulkan laga hirgalinayo xaafadan uu yahay 184higtar oo leh adeegyadii Aas aasiga ahaa,wuxuuna sheegay in maanta ay hirgashay dhagax -dhiga nashada xaafadan.

Xaafadan cusub  ee  casriga ah ayaa noqon doontaa  mid Soomaaliya inteeda kale ay kaga dayato, kuna soo kurdhin doona magaalada Bosaaso bilic iyo dhaqaaleba.

Dhegayso.

Sawirro.

<