(DHEGAYSO) Wasiirka cadaalada Puntland,” Puntland waxaa lagusoo qaaday dagaal sumcadeeda lagu baabi’inayo

Wasiirka cadaalada iyo arrimaha diinta dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamid, ayaa maanta shaaciyay in Puntland lagusoo qaaday dagaal xaga sacial mediyaha ah, kaasoo lagula diriyo sumcada Puntland.

Wasiirka cadaalada ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladda Puntland  ay si dhow ugu tow hayso dagaalkaan islamarkaana loo diyaar garoobo sidii looga jawaabi lahaa.

Waxaa wasiirku sheegay shil gaari oo qof dumar ahi ku dhimatay oo ka dhacay gobolka Nugaal, in  loo badelay in gabadhaas la kufsaday lagunasoo qoray baraha bulshada.

“Waxaa baraha facebook iyo guud ahaan baraha bulshada ka socda jahwareerin la doonayo in lagu marin habaabiyo shacabka islamarkaana dhulka lala simo sumcada Puntland leedahay,” ayuu yidhi wasiirku.

Halkaan ka dhegayso codka wasiirka.

<