DEG-DEG: Dhegayso: Madaxweynaha dowlada Puntland oo caawo si kulul u eedeeyay xukuumada Villa Soomaaliya, walaac xoogan ka muujiyay sida ay dalka u maamulayaan

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo caawo shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada Garowe ayaa walaac xoogan ka muujiyay habka ay Villa Soomaaliya ummaamulayso, isagoo sheegay in la doonayo in meesha laga saaro dastuurkii iyo nidaamkii lagu heshiiyay.

Madaxweynaha dowladda Puntland oo ka hor inta uusan saxaafada la hadlin kulan la qaatay senataro ka socday aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa sheegay inay isku raaceen in dowladda federalku umuuqato dowlad aan usoo jeedin inay wada shaqayn la yeelato maamulada heerka federal.

Madaxweynuhu waxaa uu ku eedeeyay dowladda federalka, in la musuq maasuqay deeqihii caalamku ku bixiyay magaca Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale madaxweynuhu cambaareeyay nidaamkii dowladdu u martay magacaabida guddomiyaha bangiga dhexe , isagoo madaxweynuhu sheegay in lagu tuntay nidaamka awood qeybsiga .

Waxaa madaxweynuhu ku baaqay shir wadatashi ah oo ka dhicidoona Garowe bilowga bisha May, kaasoo uu ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxweynaha iyo raysal wasaaraha dowladda federalka.

” Waxaan Caawa Kulan la yeelanay aniga iyo Madaxweyne Ku-xigeenku xubno Aqalka sare ku metela Puntland, dood dheer iyo isla-falanqayn ayaan ka yeelanay xaaladda dalka, meesha uu marayo, Puntland iyo waxa la gudboon, sidaas darteed ayaan doonaynaa in aan la wadaagno bulshada Puntland welwelka aan ka qabno habka siyaasadeed iyo dalka sida loo maamulayo”.

“Khataraha ugu badan ee Puntland dareemayso waxaa ka mid ah in nidaamkii iyo dastuurkii lagu heshiiyey la gacan bidixaynaayo oo uusan wadadii loo baahnaa uusan ku socon, waxaa halkaas marka kasoo baxaysa in habka dalka hadda lagu wado uusan ahayn habkii lagu heshiiyey”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale xusay in Puntland diyaar u tahay sida tariikhda ku xusan dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo taama, taasi oo ku salaysan nidaamka Federaaliisamk

Halkaan ka dhegayso codka madaxweynaha.

<