(Akhriso) sidee ayay udhacay dhagaysiga dacwadii Maxkamada ee wariye Coldoon?

Maxkamada gobolka Maroodi Jeex ee magaalada Hargaisa maamulka jeegaanta ee  uu hor-joogaha ka yahay Muuse Biixi ayaa maanta dhagaystaya dacwadii loo haysaty wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon  oo ku xiran xabsiga dhexe ee Hargaisa.

Dhegaysiga gal dacwadeedkii loo haystay wariyaha ayaa waxa ay udhacday sidan hoose ku xusan:

“Saaka subaxii waxa markii labaad la hor keenay maxakamada Gobolka maroodi jeex suxufi Abdilmalik Musa Coldoon Booliskuna waxay soo bandhigeen Eedaha ay dawladu u haysato suxufiga oo dhamantood ah qoraalada uu facebooka ku qoro sida hal ku dhiga Taliska Muuse biixi iyo taliskani wuxuu haya tabtii talisyadii hoogay, waxa cajiibka ah ee eedaha aan caqliga ku dhisnayn kamid ah Sawirka madaxweynaha iyo sawirka Cabdi iilaygii jigjiga oo uu qoraal ku dul qoray, iyo Warbixin madaxweynaha laga diyaariyay xilligii u mudaharaadi jiray iyo hada sida aanu u jeclayn madaxweynuhu in la mudaharaado.

Wariye Coldoon wali wax dacwad rasmi ah laguma soo oogin, waxaana qoyska uu ka soo jeedo loo diiday in la damiinto.

Arintan ayaa qayb ka ah gumaadka, jirdilka, iyo xariga lagula kacayo dadka dhaliila maamulka  Soomaali diidka ah ee xaruntiisu ay tahay magaalada Hargaisa.

 

<