(Sawirro) Wasaarada waxbarashada Puntland oo qaybisay kaararkii Imtixaanka

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland ayaa maanta ku wareejisay Gudoomiyeyaasha Waxbarashada Gobolada ID kaaradii ardayda imtixmaadka u fariisanaysa Bisha may 18/2019.

Gudoomiyeyaasha Waxbrashada Gobolada iyo degmooyinka ayaa la rabaa in u sii gud biyaan maamulayaasha iskuulada si ay ardaydooda u soo xaqiijiyaan tirada iyo magacayada ka maqan ardaydooda.

Waaxda imtixaamadka aya ku howlan shaqadoodii caadiga ahayd iyadoo xiligii imtixaanka laga layey ay mudo kooban ka harsan tahay.

Imtixamaadka ayaa lagu dabacayaa mashiino casri ah,oo halkii ilbiriqsi mashiino walba waxaa uu dabacayaa 10 kun oo waraaqood.
dhamaan Xarumaha waxbarashada waa inay diyaar yihiin maalmaha loo qabtay markey imtixaankooda caadiga dhamaystaan iyo howl wadeena macalimiinta imtixaamdka Dowlada Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland ayaa mar walba ka fakaraysa ubadkooda soo koraya inay helaan Waxbarasho tayo leh.

Sawirro.

<