(Sawirro) Wasaarada maaliyada Puntland oo Canshuur qaadis ka bilowday Gobolka Garda Fuu

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Gardafuu ayaa kormeer shaqo ku maray qaybo ka mid ah Degmooyin ka tirsan Gobolkaasi.

Waftigan kormeerka shaqo ku tagay Degmooyin ka tirsan Gobolka Gardafuu waxa hoggaaminaayay
Xisaabiyaha Gobolka Maxamed Axmed Jeeg waxana ku weheliyay Maamulaha Cashuuraha barriga Cumar Jaamac , Maamulaha Kastamka Cawil Maxamed iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Masuuliyiintan Degmoooyinka ay kormeerka shaqo ku tageen waxaa ka mid ahaa Caluula Caasimada Golbolka gardafuu,Baargaal,Taageer iyo tuulooyin hoos yimaada Degmooyin kaasi

Xasaabiyaha Gobolka Maxamed Axmed Jeeg iyo Masuuliyiinta kale ayaa kulan laqaatay madaxda Degmooyinka ay kormeerka shaqo ku tageen waxana ay kala hadleen dardar galinta Cashuuraha.

intii uu socday korneerkan shaqo waxaa Masuuliyiintan Wasaaradda Maaliyaddu lakulmeen Ganacsatada Gobolka waxana ay ku wacyigaliyeen bixinta Cashuuraha si Dawladduna wax qabad u samayso.

Ganacsatada Gobolka ayaa dhankooda ublan qaaday madaxda Wasaaradda Maaliyadda in ay kala shaqayn doonaan bixinta Cashuuraha horayna ay u bixin jireen.

Masuuliyiintan ayaa Degmada Baargaal waxa ay ka bilaabeen ololaha Cashuuraha Gaadiidka iyaga oo gacan ka helaaya Duqa Degmada Abokor Axmed Yuusuf iyo Taliyaha Degmada Muumin Abshir

Gobolka Gardafuu waxaa siwayn uga socda hanaanka qaadista Cashuuraha qayba heeba heeda kala duwan Bulshada Gobolkuna waxa ay uhelaan yihiin lashaqaynta Dawladda iyo bixinta Cashuuraha.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire ayaa horay ushaaciyay in ay dadaal dheraad ah ku bixin doonaan kor uqaadida iyo soo xeraynta dakhliga Dalka.

Sawiro.

<