DEG- DEG:- Qoyska marxuumad Caa’isha Ilyaas oo beeniyay warar Facebookyada lagu qoray

Ilyaas Aadan oo ah Aabaha dhalay marxuumad Caa’isha Ilyaas Aadan ayaa beeniyay wararka Facebokyada lagu qoray oo ah inay ka guureen Puntland una guureen Ethiopia.

Ilyaas Aadan oo haatan ku sugan Garowe lana hadlay warsidaha Puntlandi ayaa u sheegay inay arrintaas waxba ka jirin islamarkaana reerkiisu u safreen magaalada Goldogob halkaas oo reerku horey degenaan jiray.

Waxaa sidoo kale uu beeniyay inay jirto wax cabsi ah oo ay sababtay inay Gaalkacyo uga guuraan, isagoo intaas ku daray inuu sugayo inta gabadhiisu helayso cadaalad buuxda, Garowe na uusan ka tagidoonin illaa iyo inta lagasoo gabagabeynayo kiiska gabadhiisa.

Puntlandi.com

 

<