Jaaliyada Puntand ee Denmark(Aarhus) oo 3000 USD u diray Qoyskii Caasho Ilyaas, kana tacsiyeyey geeridii Marxuum Cabdirshiid Xirsi

Jaaliyada Puntland ee Dalka Denmark oo Xaruntoodu tahay Caasimada abaad ee Aaarhus ayaa ugu horayn ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Marxuum Cabdkrshiid Maxamed Xirsu.

Kulan ay isugu yimaadeen labada Gudi ee Jaaliyada ayay ku cambaareeyeen falalka foosha xun ee loo geysto Gabdhaha falkasoo ay ku tilmaameen Fal dugaag.

Jaaliyadu qaybteeda Magaalooyinka Aarhus iyo Aalborg waxay iyagoo la qayb sanaya tacsida Qoyskii Gabadha looga diley Gaalkacyo Caasho Ilyaas ay Eheleadeedii u direen Lacag gaaraysa 3000 USD.

Jaaliyadu waxay Hay’adaha Cadaalada ay ka dalbadeen Shaqo deg deg ah iyo in Cadaaladu shaqayso isla markaasna waajibkooda la marsiiyo ku ku talaabsadey Fal dugaaga ee Xabsiyada lagu hayo, “Kuwii Caasho Dilay waa in talaao deg deg ah laga qaado” sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Jaaliyada Abshir Sheikhdoon.

Puntlandi.com
Denmark

<