(Dhegayso) Wasaarada caafimaadka Puntland oo koox caafimaad udirtay deegaano ay ka dilaaceen cudurka Shubanka

Wasaarada caafimaadka dowladda Puntland ayaa qaar kamid ah shaqaalaha caafimaadka waxa ay udirtay gobolada Sool, Sanaag, iyo Haylaan oo uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka .

Dad badan oo isugu jira Caruur, Haween, iyo waayeel ayuu soo ritay cudurka shubanka oo ka dilaaxay goboladaasi loodiray shaqaalaha caafimaadka.

Qaybo kamid ah gobolada Puntland waxaa ka curtay roobkii Guga, waxaan biyaha waqayasan ee dadku ay cabayaan kadilaaci kara cudurada faafa sida ay dhaqaatiirtu sheegeen.

Wasiirka Caafimaadka Puntland D.r Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan wasaaradu ay wax uga qabayso deegaanada ay cudurada ka dilaaceen.

Dhegayso.

 

<