(Akhriso) Muxuu salka ku hayay kulankii dhexmaray maanta madaxda wasaarada Maaliyada Puntland iyo Taliska ciidamada PMPFta?

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa kulan laqaatay madaxda iyo Saraakiisha Ciidamada PMPF.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee booqashada ku tagey Xerada Ciidamada PMPF ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda,Wasiirku xigeenka Maaliyadda,Xisaabiyaha Guuud ee Dawladda,Agaasimaha guud ee Wasaaradda,iyo Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga.

Xereda Ciidamada PMPF waxaa Masuuliyiintan Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhoweeyay Madaxda Xerada Ciidamada PMPF oo ay ka mid ahaa yeen Agaasimaha Guud Ciidamada PMPF, Taliyaha Ciidamada PMPF iyo saraakiisha shisheeye ee Xeradaasi ku sugan.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa Madaxda Ciidamada PMPF kala hadlay shirkadaha ay siiyaan Mashaariicda
in ay cashuurta usoo xereeyaan Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Madaxda Ciidamada PMPF ayaa dhankooda ublan qaaday in ay Wasaaradda Maaliyadda dhanka Cashuuraha kala shaqayn doonaan.

dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda ayaa madaxda Ciidamada PMPF usoo jeediyay taaloyin ku aadan dhanka Ciidamada iyo Horumarintooda.

sidoo kale kulankaasi intii uu socday ayaa looga wada hadlay wax ka qabashada kaluunaysiga sharcidarada ah iyo Tahriibka ka baxa dhinaca xeebaha Boosaaso

Sawiro.

<