(Sawirro)Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Soomaaliya iyo Madaxda Xisbiyada dalka oo Nairobi ku shiraya

Magaalada Nayroobi gaar ahaan Hotelka Pan Afrika waxa uu shir uga furmay maanta Xidibaano ka tirsan labada aqal ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin xilal kala duwan dalka uga soo qabtay.

Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa inta uu socdo xaalada  siyaasadeed ee dalka, amniga iyo xiriirkii xumaadad ee beesha caalamka iyo dowladda  dhex ,waxaana la filayaa in gaba gabada  shirkan laga soo war murtiyeed ka kooban dowr qodob.

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinka ku shiraysa magaalada Nayroobi waxaa kamid ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame, Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo xubno kale.

Dhamaan siyaasiyiintan ayaa ah kuwo aad uga soo horjeeda dowladda uu hogaamiyo madaxweyne farmaajo, iyagoo aan ubogi sida ay dowladda dalka u maamulayso.

Shirkan ayaa waxa uu ku soo beegmaya xili uu sidookale magaalada Nayroobi shir uga socdo madaxda  Puntland, Jublanad iyo Galmudug.

Sawirro.

<