Mid kamida Taajiriinta Yurub oo 3 caruur ah uga dhimatay weerarkii Argagixiso ee Sri lanka

Weerarkii lagu qaadey Dhowr Kaniisadood iyo Hotelo ku yaal Dalka Sri lanka maalinkii Axada ayaa waxaa ku naf waayay ku dhowaad 300 oo Qof.

Hotelada Dalxiiska ee la weeraray Dadka ku geeriyopdey waxaa ku jiray Dad dalxiisayaal ah oo 15 Dal ka kala yimid.

Anders Holch Povlsen oo u dhashay Denmark oo kamid ah Taajiriinta Dalka Denmark ayaa 3 kamida afartiisa Caruura wuxuu ku waaayay weerarkaas, Caruurta ayaa waxay ku sugnaayeen Hetelada la weeraray midkood oo ay fasax u joogeen Dalka Sri Lanka.

Raysal wasaarha Denmark oo Axadii safar fasaxa ku aadi lahaa Dalka Island ayaa markuu maqlay in Dad Daanisha ay ku geeriyoodeen weerarka lagu qaadey Sri lanka wuxuu baajiyey fasixiise, Denmark waxay Durba ay Sri lanka u direen Qubaro ka socda Wasaarada Arimaha dibada Dalkaas iyo Diyaarad weyn si ay u caawiyaan hadey u baahdaan cawimaad Dadka Daanishka ah ee Dalxiiska ku jooga Sri landka.

Ilaa hada Dad Soomaali ah kuma jiraan Dadka ku waxyeeloobay weerarkaas Argagixiso ee ka dhacay Dalka Sri Lanka.

Puntlandi.com

<