MaxkamadaDarajada 1AAD ee Golbolka Barri oo xukun kuriday Sarkaal lagu soo eedeeyay musuq maasuq

Maxkamada Darajada 1AAD ee Golbolka Barri ayaa xukun kuriday Sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland oo lagu eedeeyay Hanti lunsasho iyo adeegsi warqado been abuur ah.

Caawaale Maxamuud Shiikh kana mid ahaa Sarakiisha Wasaaradda Maaliyadda Qaybta dakhliga ee Degmada Carmo 26 sano jir ah ayaa horay Ciidamada Boolisku uga soo qabteen Degmada Carmo.

Sarkaalkan ayaa lagu soo eedeeyay Hanti lunsasho iyo isticmaalka waraaqo been abuur ah baariis dheeraad ah ka dibna maanta la hor geeyay Maxkamada Darajada 1AAD ee Gobolka Barri.

Xeer ilaaliyaha ayaa maxkamada horkeenay cadaymo iyo qodobada 241,366,376 qodobadan oo uu u cuskaday Xatooyo Xoolo dadwayne oo dhan (2751)Doolar iyo adeeg siga waraaqo been abuur ah.

eedaysanaha ayaa maxkamada ka hor qirtay in uu adeeg saday warqado been abuur ah loogana keenay Gobolada Waqooyi ee Somaaliland.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1AAD ee Gobolka Barri Abuukar C/nuur Jaamac ayaa shaaciyay xukun ka eedeeysane Cawaale maxamuud shiikh oo lagu Xukumay 4 Sano oo Xabsi ah (500)Shanboqol oo Doolar oo ganaax ah iyo in uu bixiyo( 2751) labo kun todobo boqol konton iyo kow Doolar.

shaacinta Xukunkaasi kadib ayaa Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1AAD ee Gobolka Barri Abuukar C/nuur Jaamac sheegay in racfaan ufuran yahay.

Sawiro.

<