(Dhegayso) Waraysi: Wasiirka Cadaalada Puntland

Wasiirka  wasaarada  cadaalada  iyo arimaha diinta ee dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo waraysi gaar ah siiyay warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku soo dhigeen dhamaan dadkii ka dambeeyay kiisaskii kufsiga ahaa ee ka dhacay deegaanada Puntland labadii bilood ee ugu dambeeyay.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin cid la siidaayay oo kufsi gaysatay dhamaana dadka loo hayo kiisaska kufsiga ah la soo taagi doono maxkamadaha Puntland.

Baraha ay bulshada ku xiriirto ayaa maalmihii udambeeyay waxaa lagu faafiyay in la siidaayay ragii kufsaday  Caasho Ilyaas oo ahayd gabar 12 sano jir ah oo kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Gaalkacyo mudo laba bilood haatan laga joogo.

 

Dhegayso.

<