(Dhegayso) Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari oo Puntlandi.com uga waramay Howlgaladii ka socday magaalada Bosaaso iyo dadkii lagu soo qab qabtay

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari  Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waraysi uu siiyay warsidaha Puntlandi.com waxa uu kaga hadlay qorshaha amniga magaalada Bosaaso iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada ay ka sameeyeen magaalada Bosaaso tan iyo markii uu xilka la wareegay.

waxa uu sheegay in howlagalada lagu soo qab qabtay dad lagu tuhun sanyahay falalkii ugu dambeeyay ee amni daro ee ka dhacay magaalada Bosaaso .

Taliyaha ayaa sheegay in intii badnayd ciidamada Booliska gobolka bari lagu xareeyay kuliyada Carmo halkaas oo uu uga furmay tababar kor loogu qaadayo xirfadooda shaqo.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalkan sidookale uu la socdo shirar gooni gooni ah oo ay shacabka la qaadanayaan.

Shacabka ayuu ka codsaday taliyaha in ay ciidamada amniga  ay la shaqeeyaan.

Dhegayso.

<