(Dhegayso) Farmaajo “Dhaqale xumo baahsan ayaa dowladda heysata”

Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay haysato dhaqaale la,aan si ay ula sii dagaalamaan Ururka Argagixisada Al-shabaab .

Farmaajo ayaa sheegay in aruurintii Canshuuraha  dowladda aan loo fulin sidii larabay oo ay jirto wax isdaba marin iyo musuq maasuq.

Beesha caalamka ayaa dowladda madaxweyne Farmaajo waxa ay ka hakisay deeqihii aysiin jirtay kadib markii u xumaaday xiriirkii ay lalahayd dowladd goboleedyada iyo shaqo ka cayrintii ay dowladda ku samaysay Ergaygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Somaliya.

Dhegayso.

 

 

<