(Sawirro) In ka badan 90 Arday oo ka qalin jabisay dugsiga Ibnu Baz ee Bosaso

Dugsiga hoose/dhexe ee Ibnu-Baz ee magaalada Bosaso ayaa waxa uu xaflad sagootin ah u sameeyey ardayda fasalka 8aad ee Dugsiga hoose dhex ee ibnu Baz.

Ardaydan ka qalin jabisay dugsiga Ibnu Baz ayaa dhamayd 95 arday oo iskugu jira wiilal iyo gabdho
Xaflad ballaaran oo si weyn loo agaasimay isla markaana shahaadooyin iyo abaal marino lagu gudoon siinayey  macallimiinta iyo ardayda ayaa lagu qabtay hoolka  Jaamacada Bada Cas ee Bosaso.

Waxaa ka soo qeyb galay munaasabadda maamulka dugsiga, arday, waalidiin, culimo’udiin, mas’uuliyiin ka socotay Dallada waxbarashada ahliga ah ee PEN, madaxda jaamacadaha Bosaso, nabadoono, maamulka mu’asasada Al-Minhaaj iyo marti sharaf kale.

Maamule ku xigeenka dugsiga ibnu Baz  Faarax Axmed Cismaan  oo ugu horeyn ka hadlay xafladda ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey marxaladihii kale duwanaa ee uu soo maray dugsiga.

Waxaa dugsiga la furay sanadku marka uu ahaa 2004, waxa uu soo maray maraxalado kale duwan ilaah mahadii xiligan waxa uu leeyahay faracyo kale duwan ayuu yiri maamulaha guud ee dugsiga Ibnu Baz Feysal Xuseen Cali .

Ibraahim Aadan Jaamac oo ah madaxa dallada PEN ayaa sheegay qiimayn ay ku sameeyeen dugsiyada in dugsiga Ibnu Baz kaalinta koowad uu galay dusiyadaasi.

Kormeer aan ku sameynay dugsiyada magaalada Bosaso, aan ka qiimeynay dhinaca waxbarashada, maamulka, nidaamka iyo xufnaanta shaqo waxa uu noqday iskuulka koowaad ayuu yiri Ibraahim Aadan Jaamac.

Yuusuf Suudi oo ku hadlayey afka waalidiinta ayaa sheegay in dugsiga Ibnu baz uu ka mid yahay dugsiyada ugu wanaagsan Puntland, sanad walbana uu soo saaro arday fara badan oo baratay Quraanka kariimk ah.

Cali Siciid Ciise oo ku hadlayay afka Jaamacada Bada Cas  ayaa ardayda iyo macalliiminta ugu hambalyeey xafladda, isal markaana sheegay waxbarashado in ay muhiim tahay iyada hormar lagu gaaro.

Sawirro.

<