Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo Iskaashi cusub sameysanaya

Kulan maanta ka dhacay Nairobi oo dhexmaray Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullahi Dani, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayay uga wada hadleen Xaalada Koonfurta Soomaaliya.

Kulanka Sadexda Masuul oo maanta ka dhacay Nairobi waxay aad uwada falanqeeyeen xaalada guud ee Soomaaliya gaar ahaan Koonfirta Soomaaliya, Xukuumada Fezeraalka iyo dhismaha Ciidan Qaran.

Sadexda masuul ayaa kulan wadajir ah oo ay isku mowqif ay ka taagan yihiin arimaha Soomaaliya waxay la yeelanayaan Safiirada Wadamada Beesha Caalamka daneeya Arimaha Soomaaliya.

Sida ay warbaahinta Puntlandi.com xogta ku hayso Waxaa kulanka Beesha Caalamka looga wadahadlayaa oo u horeeya qaabka loogu diyaargaroobi karo Doorashada Soomaaliya 2020-ka, Xaalada Siyaadadeed ee Soomaaliya ay maanta marayaso.

Puntlandi.com
Nairobi

<