Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur“ waa in xilkaqaadis lagu sameeyaa Taliyaha saldhiga Booliska gobolka Banaadir

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur  ayaa si kulul uga hadlay dilka wiil dhalinyaro ah oo ku shaqaysan jiray gaari Bajaaj.

Waxa uu sheegay in ciidamada Boolisku maalmahan ay layimaadeen hab dhaqan ku cusub Booliska oo ay ku caadaysteen dilka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Waxa uu madaxda sare ugu baaqay in xilka laga qaado taliyaha saldhiga Booliiska gobolka banaadir.

“Hab dhaqankan waa mid ku cusub Booliska Gobolka Banaadir, wuxuuna la socdaa Taliska cusub, Madaxda dalka iyaga ayaa si buuxda u qaadaya masuuliyada, maadaama ay taliska Booliska Gobolka Banaadir u dhiibeen ninkii u qaabilsanaa shirqoolada dilalka qorshayn ee siyaasiyiinta, awoodna u siiyeen in uusan hoos tegin, amarna ka qaadan Taliska Guud ee Booliska Federaalka”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo jeediyay talooyinkan hoos ku xusan.

1- In Gacanta lagu soo dhigo ragii wiilasha dilay, lana maxkamadeeyo.
2- In xilka laga qaado Taliyaha Booliska Gobolka.
3- In Taliyaha Booliska Federaalka awoodiisa loo soo celiyo.
4- In maleeshiyaadkii Xasilinta loo bixiyey ee Nabadsugida laga soo ganay, Booliskana lagu soo dhextuuray, dhaqan celin iyo tababar Boolis loo furo.
5- Si sharaf leh loo aaso ehelkoodana Magdhow la siiyo wiilasha la dilay.

 

<