(Sawirro) Dibadbaxyo Rabshado wata oo ka socda magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa caadaystay dilka Darawalada gaadiidka loo yaqaan Bajaajleyda waxaan ,maanta magaalada ka dhacay dibadbax looga soo hor jeeday dilka wiil Darawal ahaa oo uu dilay Askari katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya .

Dibad baxayaasha ayaa wadooyinka ku gubayay taayaro, waxayna ciidamadu ay ku soo jawaabayeen rasaas si ay ku kala ceerinayeen.

Dibad baxan ayaa ahaa mid watay rabshado waxaan intabadan saaka xiran Suuqyada magaalada Muqdisho iyadoo ganacsatadu ay ka cabsi qabaan in dhac iyo booba loo gaysto hantidooda inta uu dibad baxa socdo.

Majirto cid dowladda ka tirsan oo ka hadashay dibad baxan iyo dilka Darawalka gaari Bajaajta.

Askarigii dilka gaystay ayaa lagu soo waramayaa in uu goobta ka baxsaday.

Sawirro.

Xaalka Km4 Waa Sidaan Maanta

Slået op af Abdirahman Mohamed Waabari i Lørdag den 13. april 2019

<