Howlgalo xoogan oo ka socda magaalada Bosaaso

Ciidamada amniga ee gobolka bari ayaa howlago  guri guri waxa ay ka wadaan 17ka xaafadood ee ay magaalada Bosaaso ka koobantahay.

Howlgalada ayaa yimid xili kooxo hubaysan habeen kahor ay weerar bambaano ku soo qaadeen ciidamo roondo kujiray.

Ciidamada ayaa howlgalka ay sameeyeen waxa ay ku soo qab qabteen dad loogu tuhunsan yahay weerarkaasi iyo dhacdooyinkii amni daro ee maalmahan ka dhacay magaalada Bosaaso.

Ciidamo uu hogaaminayo taliyaha Booliska Puntland Je. Muxiidiin Axmed Muuse ayaa ku sugan magaalada Bosaaso kuwaas oo u jooga xaqiijinta amniga.

Taliyaha ayaa sheehay in intii uu socday howlgalka ay ciidamadu soo qabteen gaadiidkii lagu tahriibijiray dadka iyo kooxdii isku xirnayand ee ka ganacsansan jirtay tahriibka.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Bosaaso lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Booliska iyo mid kamid ah salaadiinta Puntland oo sida wayn looga yaqaanay gobolka bari iyo deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa sheegay in xukuumadu ay ahmiyada ugu horaysa ay siin doonto amniga Puntland, siiba amaanka Bosaaso.

<